Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal katirsan maxkamada gobolka Sool oo lagu dilay magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Sarkaal katirsan maxkamada gobolka Sool oo lagu dilay magaalada Laascaanood
 dil-1.jpg

Dablay hubaysan ayaa xalay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dilay masuul kamid ahaa garsoorka gobolka Sool oo Lagu magacaabo Cabdulaahi Salaad (wadaadyare).

Masuulkaan ayaa la dilay xilli uu sii gelaayey hoygiisa. Lama garanayo sababta loo dilay iyo cidda ka dambeysa dilkiisa.

Horaantii sanadkan ayaa Magaalada Laascaanood lagu dilay gudoomiyihii maxkamada gobolka Sool, kadib qarax loogu xidhay gaadhigiisa,Ma jirto cid sheegtay dilkiisa weli.

Gobolka Sool ayaa masuuliyiinta Hay’adda garsoorka waxay ka mid yihiin dadka ugu badan ee la bartilmaameedsado Mudooyinkii u danbe.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this