Sign in to follow this  
Deeq A.

Ayaxii ugu badnaa oo fara ba’an ku hayo beeraleyda gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu fara ba’an beeraleyda Ayax ku dagay beeraha ku yaalla gobolkaas oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Ayaxa ayaa isku fidiyey dhul beereed baaxad leh oo ku yaalla deegaanada maamulka Galmudug, isaga oo saameeyey dhammaan dalagyadii ku yaallay halkaasi.

Axmed Siciid Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in Ayaxii ugu badnaa uu ku habsaday ku dhowaad 10 tuulo oo hoos timaada deegaanka Godinlabe.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka inay gurmad u fidiyaan beeraleyda ay waxyeeladu kasoo gaartay Ayaxa, si ay u helaan taageero dhaqaale.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka uu saameeyey Ayaxa oo haatan dhibaato weyn ku haya gobolka oo dhan, waxaase socda dadaallo lagula dagaalamayo cayayaankaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this