Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada ah oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xilli ay ku socdaalayeen wadada ka baxda isgoyska Fagax ee aada xaafadda Jamhuuriya.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale Shabelle u sheegay in qaraxa, kadib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan oo geystay waxyeelo u badan dhaawac.

Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay rasaasta ay fureen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo kala ah Aabe, Xaaskiisa, Gabar yar oo uu dhalay iyo Wiil farmashiye ku leh halka uu qaraxa ka dhacay.

Xaaladda meesha ay wax ka dhaceen ayaa hadda ah mid degan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this