Sign in to follow this  
Deeq A.

ILHAAN CUMAR oo eedeyn u jeedisay xukuumadda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykana ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiisada dagaal ee dalka Itoobiya.

Qoraal kooban oo ay soo saartay Ilhaan Cumar ayaa waxa uga hadashay dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka ee dalkaasi iyo kuwa TPLF ee waqooyiga Itoobiya.

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa xukuumadda Itoobiya ku eedeysay in nooc kasta oo dagaal ah ay ka geystay gobolka Tigray ee dalkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dagaalladaasi ay ka dhasheen khasaare lixaad leh iyo barakaca dadka shacabka ah.

“Dowladda Itoobiya waxay xirtay kuwii ka soo horjeeday, waxay ku hanjabtay duqayn, waxayna nooc kasta oo dagaal ah la gashay mid kamid ah gobolladeeda gaar ahaan Tigray,” ayey tiri xildhibaanad Illhaan Cumar.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli dagaalka ka socda gobolka Tigray uu sii xoogeysanayo, waxaana duqeymo iyo dagaallo ay ka socdaan waqooyiga wadankaasi.

The post ILHAAN CUMAR oo eedeyn u jeedisay xukuumadda Itoobiya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this