Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay mucaaradku ku diidan-yihiin guddiyada doorashooyinka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle, oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimada dalka ayaa ka hadlay sababta ay siyaasiyiinta mucaaridku uga horyimaadeen guddiga doorashooyinka, ee dhawaan ay soo magacowday dowladda federaalka.

Musharaxa ayaa ugu horeyntii sheegay in mucaaridku aysan diidaneyn in dowladdu guddiyo soo magacawdo, balse ay ku diidan yihiin in taageerayaasheedii garsoor uga dhigto doorashada dalka, taasi oo meesha ka saareysa dhex-dhexaadnimadii laga rabay guddigaasi.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ay ka leexatay hanaankii doorasho loo siman yahay, maadama ay keensatay dad ku asteysan taageerayaal, sida uu hadalka u dhigay.

“Guddiga shuruudiisa waxay aheyd dadka tartamaya inay dhex dhexaad u noqon karaan dhamaan dadka tartamaya, oo ah inay noqdaan qoorta labada garab u dhaxeysa, balse waxay soo xushay dadkii ku asteysnaa inay taageerayaal u yihiin,” ayuu yiri Dahir Geelle.

Waxa uu intaas kusii daray “Anaga waxa aan fiirineyno gacanta lagu magacaabay ma ahan, waxaa fiirinayaa qofka la magacaabay qof shalay madaxweynaha u caytamayay, u colaadinayay oo dadka kale uga soo horjeeday.”

Ugu dambeyntii waxa usoo jeediyay Daahir Geelle in dowladda federaalka ay bedesho guddiyadaasi xubnaha ku jira, isla markaana ay keento dad dhex-dhexaad ah oo ka madax-banaan xukuumadda hadda talada haysa.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay dowladda federaalku ka madax adeygayso inay ka noqoto guddiyada ay dhawaan ku dhawaaqday, iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in guddigaasi uu khilaafku ka taagan yahay loo bilaabay tobabaro la xiriira nidaamka doorashada.

The post Maxay mucaaradku ku diidan-yihiin guddiyada doorashooyinka? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this