Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo Ciidamo Nabad Ilaalin ah u diraya dalka Azerbaijan

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamanka waddanka Turkiga, ayaa shalay ogolaaday in dowladda Turkigu Ciidamo Nabad Ilaalin ah geyso Gobolka Nagorno-Karabakh, si ay ula socdaan dhaqan-gelinta Heshiiska xabad-joojinta Armenia iyo Azerbaijan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii weydiistay baarlamanka in ay ansixiyaan ciidamo loo dirayo dalka Azerbaijan, si loo dhaqan-geloyo Xabad-joojinta Nagorno-Karabakh.

Heshiiska Xabad-joojinta Azerbaijan iyo Armenia oo la saxiixay toddobaadkii tegay waxaa ka shaqeeyey Ruushka, kadib dagaalkii dhexmaray labada dowladeed

Ciidamada Turkiga uu dirayo ayaa dalkaas joogi doona muddo hal sano ah, waxaana tiradooda go’aan ka gaari doona Madaxweyne Erdogan.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo Ciidamo Nabad Ilaalin ah u diraya dalka Azerbaijan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this