Sign in to follow this  
Deeq A.

Weftigii Ugu Horraysay Ee Ka Socda Shirkadda Trafigura Oo Yimid Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Weftiga ka socda Shirkadda Shidaalka Trafigura ayaa Shalay socdaal ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxa Weftiga Madaarka kaga hor-tagay oo soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Saraakiil ka mid ah Madaxtooyada JSL, sida ilo xog-ogaal ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika.

Weftiga oo uu Miisaankoodu culus yahay ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan Masuuliyiinta Somaliland.

Waa markii ugu horraysay ee Wefti ka socda Shirkadda Trafigura ay socdaal ku yimaaddaan Somaliland, ka dib markii shirkaddaasi ay Somaliland la saxeexatay Heshiis ah inay dalka u soo waariddo shidaalka isla-markaana ay soo kordhiso Haamaha Shidaal oo cusub.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this