Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Jabuuti oo war Cusub ka soo saartay dagaalka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti oo war ka soo saartay dagaalka Tigray

geelle.jpg
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo la kulmay wafddi ka socda Itoobiya

Dowladda Jabuuti ayaa ku baaqday in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka ka socda gobolka Tigray isla markaana ay diyaar u tahay dadaal kasta oo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeyo TPLF iyo dowladda dhexe ee haatan ka socda gobolkaas.

“Jabuuti waxay si buuxda u taageereysaa midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyada dimuqraadiga ee federaalka Itoobiya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Waxay sheegtay in si weyn ay uga walaacsantahay dagaallada.

Arrintani ayaa ka dambeysay kaddib markii madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu shaley qaabilay wafddi ka socday Itoobiya

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this