Deeq A. Posted November 17, 2020 Ku-simaha madaxweynaha maamulka Puntland, ahna madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda federaalka ah Mudane Duraan Axmed Faarax iyo wefdi uu hoggaaminayo. Kulanka waxaa ka qeybgalay wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland Marwo Hodan Saciid, agaasimaha guud ee madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid, agaasimaha mashruuca Baxnaano iyo Ayaxa ee Soomaaliya Fardowsa Axmed Cabdullaahi iyo agaasimaha Mashruuca Baxnaano iyo Ayaxa ee Puntland Cabdullaahi Maxamuud Warsame. Sidoo kale wafdiga ka socda dowladda dhexe ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan ka bilaabaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites