Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo gaaray Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku-simaha madaxweynaha maamulka Puntland, ahna madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda federaalka ah Mudane Duraan Axmed Faarax iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland Marwo Hodan Saciid, agaasimaha guud ee madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid, agaasimaha mashruuca Baxnaano iyo Ayaxa ee Soomaaliya Fardowsa Axmed Cabdullaahi iyo agaasimaha Mashruuca Baxnaano iyo Ayaxa ee Puntland Cabdullaahi Maxamuud Warsame.

Sidoo kale wafdiga ka socda dowladda dhexe ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan ka bilaabaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

126018484_1054870798259773_1280114264396064163_o 125484624_1054870508259802_4474621212620995537_o 125507720_1054870841593102_1947538632984575655_o 125888101_1054870958259757_7329486777040806335_o 125963802_1054870684926451_3419068673804371419_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this