Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka qarxay deegaano hoos-yimaada degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya labada maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ay isku hayaan dilal la xiriira aano Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka oo socday muddo saacado ah uu ka dhashay khasaare kala duwan, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa hadda yare degan, waxaana socda dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this