Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeryo ay deganaayeen muhaajiriin Soomaali ah oo la burburiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Booliiska ee dalka Faransiiska ayaa burburiyey xerooyin sharci darro ah oo ay deganaayeen dad ka badan 2,000 oo ruux oo muhaajiriin ah.

Howl-galka lagu burburiyey kaamamkaasi ayaa ka dhacay deegaanka Saint Denis ee waqooyiga bari ee magaalada Paris sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska.

Dadka qaxootiga ah ayaa lagu daad gureeyay illaa iyo todobo gaari oo basas waxaana la dejiyey oo meelo ay ku hoydaan looga sameeyay gobalka Ilede.

Sababaha ugu waa weyn muhaajiriinta halkaasi looga raray ayaa ah dhinaca caafimaadka, gaar ahaan cudurka Coronavirus oo ka jira meelo badan oo ka mid ah caalamka.

 

Soomaali badan ayaa ku dhibaateysan qaar ka mid ah wadamada Qaramada Yurub iyadoo intooda badan ay mareen safaro halis ah oo dhinaca badda ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this