Deeq A. Posted November 17, 2020 Qarax loo malaynayo in uu yahay ismiidaamin ayaa goordhawed ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad ku dhow dugisga tababarka Booliska ee Janaraal Kaahiye ama Iskool Boluusiya ee degmada Xamar-jabab. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxaasi uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tiro rasmiga ah weli la ogayn. Laamaha amniga Muqdisho ayaa tagay goobta qaraxu ka dhacay, waxayna xireen waddooyinka soo gala halkaas.Faahfaahin dib kala soco PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites