Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid oo xilka la wareegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Cusub ee maamulka degmada Yaaqshiid, Axmed Cabdullaahi Cariif oo maanta si Rasmi ah xilka ugala wareegey guddoomiyihii hore ee degmadaasi, Muuse Geesey Jimcaale ayaa shacabka Yaaqshiid ka codsaday  in ay la shaqeeyaan.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta degmada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaador Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) Gudoomiyaha Hawenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab Agaasimaha Xiriirka Degmooyinka Gobolka Banaadir, shacabka degmada iyo Marti sharaf kale.

Magaabistan cusub ayaa ku soo aadeysa, iyada oo dhowaan madaxweynaha Soomaaliya uu is-bedal ku sameeyey qaarka mid ah ku xigeenada maamulka gobolka Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this