Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Finish oo isbeddel ku sameeyay Maamulka degmada Yaaqshiid

Recommended Posts

Deeq A.   

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa isbedel lagu sameeyay maamulka degmada Yaaqshiid.

Guddoomiye Cumar Finish, ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid u magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cariif, isagoo xilka guddoomiyanimo ka qaaday Muuse Geesey Jimcaale.

Xilka qaadista ayaa ku soo beegmatay, xilli dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Maamulka gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST

The post Cumar Finish oo isbeddel ku sameeyay Maamulka degmada Yaaqshiid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this