Sign in to follow this  
Deeq A.

Filish oo oo dhagax-dhigay waddo isku xirta Wadajir iyo Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane  Cumar Maxamuud Maxamed Flish ayaa waxaa maanta dhagax dhigay wadada Jaalle Siyaad oo xiriirisa isgoysyada Korontada iyo Xoosh ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada dhagax dhiga waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha degmooyinka Dharkenley Guhaad Sheekh Xasan iyo guddoomiyaha degmada Wadajir Bashiir Maxamed Cali.

Wadada ayaa waxa ay marin muhiim ah tahaya dadweynaha ku nool labada degmada, maadaama ay ka mid tahay waddooyinka ugu ganacsiga badan iyadoo ay yallaan suuqyo iyo goobo kale .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa kula dardaarmay shacabka dagmooyinka Wadajir iyo Dharkenley in ay ka qayb qaataan dhismaha wadada oo aan helin dayactir 30-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana sidoo kale uu kula dar daarmay inay ilaaliyaan nadaafadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this