Deeq A. Posted November 16, 2020 Maamulka degmada Gumbah oo ka tirsan Gobolka Guardafui ee Puntland, ayaa laga soo xigtay in doonni kalluumeysi ku soo caariday xeebta degmadaasi, kadib markii ay ku cilladooday Badda. Idaacadda Daljir oo xiganaysa Maamulka degmada Gumbah, ayaa sheegtay in doonnida cilldaysan ay markii hore ka timid dalka Yemen, islamarkaana ku socotay warshadda magaalada Hafuun ee Gobolka Guardafui. Wararku waxay sheegayaan, in doonnida oo u kiraysnayd Kalluumeystada Warshadda Hafuun ay saaran yihiin shan nin oo u dhashay waddanka Yemen, kuwaas oo dhammaantood bed-qaba. Sidoo kale, waxa la xaqiijiyay in doonnidu ay faaruq ahayd xilliga ay caarisay, maadaama aysan weli soo qaadin kalluunka. PUNTLAND POST The post Doonni Kalluumeysi oo ku caariday xeebta Gumbah appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites