Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne GUUDLAAWE ma ku guuleysan doonaa xalinta afartan arrin? (Faallo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka HirShabeelle ayaa yeeshay hogaan iyo baarlamaan cusub waxaana muuqanaya in ay taageereen Mucaarad iyo Muxaafad iyo inta badan bulshada degaanka, waxaase jira su’aalo badan oo ka taagan sida uu sii ahaan doono maamulkaan.

Shacabka HirShabeelle ayaa wajahaya dhibaatooyin badan oo isugu jira kuwa ay la wadaagaan bulshada kale ee Soomaaliyeed iyo mid u gaar ah, waxaana leys weydiinayaa Cali Guudlaawe ma ku guuleysan doonaa xal u helida Arintaan?

Afarta dhib ee ugu waa-weyn ee degaankaan heesto islamarkaana u baahan xalka deg dega ah ayaa kala ah.

1) Amni darro: HirShabeelle waxay wajaheysaa amni darro xoogle waxaana go’doon ku jiro magaalooyin badan oo ay kamid tahay Jowhar oo hadda maamulku ku shaqeeyo. Arinta ugu muhiimsan ayaa ah in xal loo helo wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo amni darro looga go’ay, xal u helida dagaalada beelaha oo meel xun gaaray iyo mashaakilaad kale oo dhanka amaanka ah.

2) Shaqa la’aanta: HirShabeelle waxaa ka jiro shaqa la’aan baahsan oo camimtay degaanka waxaana laga faa’ideysan waayay fursado badan oo shaqa abuur ah oo laga helay World Bank iyo hay’ado kale. Dhalinyaro badan ayaa qaba rajo ah in haddii la shaqaaleysiiyo dhalinyarada in xal loo heli karo dhibaatooyinka shaqa la’aanta islamarkaana ay soo noqon doonto rajadii degaanka.

3) Fatahaadaha: HirShabeelle gaar ahaan magaalooyinka Beladweyne iyo Jowhar lix bil kasta waxaa fatahaad xoog leh ka sameeya wabiga Shabeelle kaas oo sababay barakac, bur bur iyo in dalag badan ku baaba’aan. Dhibaatada oo saameen dhaqaalo iyo mid bulsho degaanada maamulkaas ku yeelatay ayey dad badan xiiseynayaan in wax laga qabto.

4) Garoomada Diyaaradaha: HirShabeelle malahan garoomo diyaaradeed oo u qalma kuwa ay ka soo dagto diyaarad sababtoo ah, garoonada Jowhar iyo Beladweyne haddii uu roob da’o ma jirto wax diyaarad ah oo ka dagi kara ama ka duuli kara. Dad badan oo xanuunsan islamarkaana la marsiin waayay dhulka ayaa maalmo garoonka Beladweyne biyo fadhiyeen waxaa safar dhulka ah lagu geeyay Guriceel kadibna looga sii qaaday diyaarad waana sababta baahi weyn loogu qabo in la helo garoomo wanaagsan oo bad-qaba.

Inkastoo qodobadaan qaarkood ku jireen balanqaadyadiisa Madaxweyne Guudlaawe hadane waxaa jirto baahi weyn oo deg deg ah waxeyna dad badan ku rajo weyn yihiin in muhiimada 1-aad laga dhigo afartaan qodob oo baahi weyn loo qabo arimahaan iyo kuwa kale.

HirShabeelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee laga dhiso Soomaaliya ayaa hadane kamid ah kuwa kheyraadka wanaagsan islamarkaana u dhow Muqdisho, taas oo haddii loo helo maamul iyo hogaamin wanaaagsan sababi karta in laga baxo dhibaatooyinka Jira.

The post Madaxweyne GUUDLAAWE ma ku guuleysan doonaa xalinta afartan arrin? (Faallo) first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this