Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Tigreega oo xaqiijiyay in ay duqeeyeen Asmara

Recommended Posts

Deeq A.   

Hogaamiyaha Xoogagga Tigreega ee Ethiopia, ayaa maanta xaqiijiyay in ciidamadiisu ay Sabtidii  gantaalo ku garaaceen caasimada Eritrea ee Asmara.

Hoggaamiye Debretsion Gebremichael, ma sheegin inta gantaal ee Sabtidii lagu garaacay Asmara, laakiin waxa uu sheegay in ay beegsadeen bartil-maameedyo ku yaalla caasimadda Eritrea

Sidoo kale, wuxu ku hanjabay in ay sii wadi doonaan Gantaalaha ay la beegsanayan gudaha Eritrea, isagoo dowladda Eritrea ku eedeeyay in ay gacan-siinayso duullaanka Abiy Ahmed.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh Mohammed, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay in aysan qeyb ka aheyn colaadda Ethiopia.

Saddex gantaal ayaa Sabtidii lagu tuuray Asmara, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed, saacado kaddib markii uu maamulka gobolka Tigray uu ka digay weerar ka dhan ah Eritra.

PUNTLAND POST

The post Hoggaamiyaha Tigreega oo xaqiijiyay in ay duqeeyeen Asmara appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this