Sign in to follow this  
Deeq A.

Bangiyada Dalka Sweden Oo Xidhay Xisaabaad Ay Lahaayen Xawaaladaha Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sweden)-Warbixin ay soo saareen Bangiyadda dalka Sweden ayaa lagu sheegay in la xidhay xisaabaad ay bankiyadaasi ku lahaayen dhawr xawaaladood oo Soomaalida ay leeyihiin.

Sababaha ugu waaweyn ee xisaabaadkan loo xidhay ayaa waxaa lagu sheegay, iyadoo Maamulada Bankiyadda aanay kontorooli karin amaba la socon karin lacagaha, laga bilaabo qofka diraaya illaa qofka qaadanaya iyo xagga dabagalka ee mustaqbalka.

Tani ayaa waxay saameynaysaa qiyaastii toddobaatan kun (70,000) oo qof oo Soomaali ah oo degan dalkaasi, kuwaa oo ay ku adkaan doonto inay lacago u diraan qoysaska, ehelada iyo asxaabtooda ku nool Soomaaliya.

Maamulada Xawaaladaha Soomaalida ee dalkaasi ayaa wada qorshe ay cabashadooda ugu gudbinayaan Dowladda Sweden, si wax looga qabto culeyska ka soo fuulay bankiyada dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this