Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qaraxa oo ahaa mid ka dhashay waxyaabo qarxa oo haraadi ah ayaa ka dhacay deegaanka Dharkingee oo ka tirsan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof oo isku qoys ahaa iyo 8 Neef oo Geel, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha deegaaanka Qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyaha oo lagu magacaabo, Zakariye Cabdullahi Xirsi uu shaaciyey inay goobta tageen, kadibna ay ka soo qaadeen meydadka dadkaasi.

Soomaaliya ayaa waxaa weli halis ku haya hubka haraadiga ee loo adeegsaday dagaalladii sokeeyey ee 25-kii sano ee la soo dhaafay ka dhacay gudaha dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this