Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka dib u eegista farsamo ee dastuurka oo maalintii labaad galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka wadatashiga hay’adaha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed ee soo gabagabeynta dib u eegista farsamo ee dastuurka ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigi doonaa arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa sheegay in howl culus ay hortaalo, isagoo xusay in sababaha dastuurku u dhameystirmi la’yahay ay tahay wada xaajood siyaasadeed oo aan jirin.

Wasiirka ayaa hay’adaha dastuurka heer federaal iyo heer dowlad goboleed kula dardaarmay in laga dhabeeyo dib u eegista dastuurka oo uu sheegay in ay u baahantahay shaqo adag.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this