Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo war ka soo saartay khasaaraha roobabkii ka da’ay dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska isku howlaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray roobabka xilliga deyrta oo ka da’ay qaybo ka mid ah dalka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in roobabka dayrta iyo fatahaado ka dhashay ay saameyn ku yeesheen ku dhowaad 73,000 oo ruux, iyada oo dad ka badan 13,000 ay ku barakaceen, halka afar ruuxna laga shaki qabo in ay ku geeriyoodeen

Meelaha ugu daran ee roobabka ay khasaarooyinka ka geysteen ayaa waxaa ka mid gobolka Banadir, Jubbaland, HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Unocha ayaa sheegtay in daadadka roobabka ay waxyeelo u geysteen dhul beereedyo iyo kaabayaal dhaqaale.

Hay’adaha gargaarka iyo qaar ka mid ah maamullada ayaa dalbanaya gargaar bani’aadinimo sida biyo nadiif ah oo ay dadka cabaan, hoy, raashiin iyo in biyaha wasaqda ah laga saaro meelaha ay galeen, si aysan ugu dhalan cudurada faafa.

Roobabka xilliga dayrta oo inta badan da,a inta u dhaxeysa bilaha October iyo Decemper ayaa khasaarooyin ka geysta qaybo ka mid ah Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this