Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle oo khudbad ka jeediyay Kulan looga hadlayay Kobaca dhaqaalaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
2-8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay Horumarka Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oo uu qaban-qaabiyay  Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics).

Sharaf ayay ii tahay in aan maanta ka jeediyay Muxaadiro ku saabsan horumarka Maaliyadda iyo kobaca dhaqaalaha dalka Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics) taa oo u qabsoontay hab Online ah.” Ayuu yiri Wasiirka

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sidoo kale safiirka dowladda sweden ee soomaaliya uga mahadceliyayka qeyb-galka barnaamijka lagu xoojinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxa aan u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda Sweden ee u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander oo igu wehlinayay barnaamijka aan uga hadalnay dhaqaalaha Soomaaliya.” Ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Beyle oo khudbad ka jeediyay Kulan looga hadlayay Kobaca dhaqaalaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this