Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo shaaciyey inuu ka walaacsan yahay tallaabooyin ay qaaday DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray qoraal daba socda bayaankii ay ku mideysnaayeen isaga iyo musharaxiin kale oo waaweyn, kaas oo ay walaac uga muujiyeen guddiyada ay dowladdu magacaawday doorashada dalka.

Xasan Cali Kheyre ayaa qoraalkiisa ku sheegay in mar kale uu ku celinayo inay lagama maarmaan tahay in doorashada dalka u dhacdo ‘si xor ah, xasilloon, wadar-oggal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta’.

“Sidii aan uga sheegay shirarkii Golaha Wasiirrada ee 10kii May iyo 9kii July 2020ka, inta xilka aanan iska casilin ka hor, waxaa lagama maarmaan ah inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah, xasilloon, wadar-oggal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre.

Waxa uu sheegay inuu cadeynayo in musharaxiintii maanta soo saaray bayaan ka uu ka mid ahaa. Isla markaana ay walaac badan ka qabaan qaabka ay dowladda federaalku u maamulayso doorashada iyo guddiyada loo qorsheeyey in ay doorashada maamulaan.

“Haddaba, waxa aan maanta oo taariikhdu tahay 10ka November 2020 caddaynayaa inaan ka mid ahay musharrixiintii saxiixday war-murtiyeedka ku taariikhaysan 10/11/2020 ee cinwaankiisu yahay “Mawqifka iyo Go’aanka Musharrixiinta Madaxweynenimada Soomaaliya ee ka qaybgalka doorashada 2020/21” taas oo aan walaac uga muujinnay qaabka Dowladda Federaalku u maamulayso doorashada iyo guddiyada loo qorsheeyey in ay doorashada maamulaan,” ayuu yiri.

Kheyre ayaa sheegay inay sax aheyn in xubno ka tirsan ciidanka ammaanka lagu soo daro guddiyada doorashada dalka, sidoo kalena uu qirayo shaqada adage ee ciidamadu hayaan.

“Aniga oo aaminsan in ciidamada amnigu ay hayaan shaqo qaran oo aad muhiim u ah ayna naga mudan yihiin sharaf iyo karaamo, hadana sax ma  aha inay ka mid noqdaan guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka,” ayuu ra’iisul wasaarihii hore ku yiri qoraalkan.

Ugu dambeyntii Xasan Cali Kheyre ayaa qoraalkan ku soo jeediyey talo ah in guddiyada maamulaya doorashada kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland in loo maareeyo hanaan la isla ogolyahay.

“Sidoo kale, waxaan aaminsanahay guddiga maamulaya kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland in loo maareeyo qaab wadar-oggol ah, qaddarin leh, waafaqsanna heshiiskii DFS iyo Maamul Goboleedyadu ku gaareen Muqdisho 26kii September 2020” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre.

The post Kheyre oo shaaciyey inuu ka walaacsan yahay tallaabooyin ay qaaday DF first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this