Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabakad Al-Shabaab u qaabilsaneyd magaalada Gaalkacyo oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib howl-gal ay ciidamada Puntland ka sameeyeen waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxa ay ku qabteen shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo ka howl-galeysay gudaha magaaladaasi.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland waxaa gacanta lagu soo dhigay illaa 7 ruux oo ay ku jiraan labo sarkaal oo sar sare.

Sidoo kale saraakiisha la hadashay warbaahinta ayaa tilmaamay in haatan ragga la soo qabtay ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, kadibna shaacin doonaan magacyadooda.

Raggan ayaa waxaa lagu eedeeyey inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dilalka iyo weerarada ka dhaca gobolka Mudug, sida ay qirteen qaar ka mid ah oo la wareystay.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada ammaanka Puntland ee ka howl-gala waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waday baaritaano guud oo lagu xaqiijinayo nabad-gelyada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this