Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta dib uga qarxay bariga gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Baraag Ciise oo ka tirsan gobolkaasi.

Ku dhowaad 10 ruux ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka h.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aano qabiil oo ka taagan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, balse waxaa socda dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this