Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Ciyaaraha Puntland Oo Hormarinaysa Garsoorayaasha Kubabdda Cagta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse oo uu weheliyo agaasimaha guud Axmed Cabdalla Tigaana ayaa kulan la qaatay  Macalimiinta tababaraayaasha iyo Garsoorayaasha kubbadda cagta Puntland.

FB_IMG_1604955077515-1024x683.jpgKulan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka xiriirka kuubada Cagta Soomaaliyaa Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed iyo Madaxda xiriirka Kubbadda Cagta Puntland, Macalimiin iyo Garsoorayaal.

FB_IMG_1604955049032-1024x683.jpg

Kulankan ayaa looga hadlay sida ugu haboon ee loo tababari karo Garsoorayaasha Puntland looguna samayn lahaa  aqoon kororsi iyo siday ula mid noqon lahaayeen Garsoorayaasha Caalamka ee FIFA.

FB_IMG_1604955056281-1024x683.jpg

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Jaamac Faarax  ayaa kula dardaarmay macalimiinta,tababaraayaasha iyo Garsoorayaasha ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga  faa’iideesto aqoontooda iyo waaya aragnimadooda Garsooranimo heerka caalami ee Soomaaliya.

FB_IMG_1604955102535-1024x683.jpg

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this