Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday hoyga uu Kismaayo ka dagan yahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Baaley.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan saddex qof ayaa dhaawacantay, kuwaas oo ka mid ah ehellada guddoomiyaha oo guriga ka maqnaa, marka uu weerarka dhacayey.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo tiro dad ah u qab-qabtay falkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ka bixiyeen dhacdadaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaallo xeebeedka Kismaayo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida weeraro iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this