Deeq A. Posted November 9, 2020 Madaxda adduunka soo martay qaar badani waxay iska shabahaan habdhaqanka Maamul iyo shakhsiyadooda qofeed. In kasta oo ay Muuse Biixi iyo Donald Trump kala Xukumaan laba Waddan oo awood ahaan kala durugsan Ummad ahaana kala baaxad wayn hadana waxay isku mid ka yihiin meelo badan. Donald Trump oo ka yaabiyay adduunka 4-tii sanno ee la soo dhaafay wuxuu aha Madaxweyne kakan oo muran badan, wuxuu caan ku noqday kursigana ku fuulay kala qaybinta Bulshada uu hoggaamiyo taas oo ka dhigtay in Waddanki adduunka ugu xooga waynaa ee Maraykan u kala qaybsamo si aan tariikhda hore loo arkin xitaa wakhtiyadii midab kala sooca iyo dagaaladii sokeeye ee Maraykanka ka dhacay. Donald Trump wuxuu aha Madaxweyne liida oo quudhsada Haweenka, wuxuu ku caanbaxay oo hadda loo haysta inuu kursiga uga faaiidaystay danihiisa ganacsi isagoo u adeegsaday awoodisi Madaxweyne. Wuxuu safka hore ee awooda ganacsiga iyo maamulka si aan gabasho lahayn u keenay xubnaha qoyskiisa sida Innamadiisa, Wiilka uu sodoga u yahay iyo Inantiisa, sidoo kale wuxuu dhaqalahoodi wiiqay Dadkii ay is hayeen. Wuxuu markii u horraysay u xagliyay Waddamo shisheeye si ay doorashada uga caawiyaan. Ruushka ayaa kow ka aha, marbay u gashay lakiin markii labaad taas waa laga gashaantay. Wuxuu dagaal qaawan ku qaaday War-baahinta xorta ah, wuxuu aha Shakhsi khudbadaha gole ka fuula oo iska sheekeya si ka madhan diplumaasiyadi Madaxda lagu yaqaanay, isagoo hadalo adduunku ka wareeray ka yidhi Xanuunka Covid-19-, Safaaradi Israil ee Qudus laga fursy, Maagisti Afhayeenka Aqalka Hoose( House of Representatives) Haweenayda Nancy Pelosi, dagaalki Ilhan Omar, Booqashadii Boqorada Ingiriiska iyo ficiladi uu muujiyay sida taabashadi dhabarka Boqorada oo mabnuuc ahayd maamus ahaan iyo boqolaal dhacdo oo kale. Mida ugu daran ayaa ah inuu hore iyo haddaba ka gaws adaygaayo aqbaalada doorashada in laga guulaystay. 2016-kii mar Telefeeshinka CCN waydiiyay inuu aqbaalayo haddii laga guulaysto xili tartan adagi ka dhaxeeyay Hillary Clinton wuu ka war wareegay isagoo ku tiraabay “Hadda sheegi maayo”. Iminka oo codkii ugu badnaa ee abid murashax helo lagaga guulaystay iyadoo musharaxa Xisbiga Dimuquraadigu helay 70-Milyan oo cod iyo 290 Ergay doorasho ( Electoral College ) Mr. Turump wuu diidan yahay in laga helay Ugu danbayn si kasta oo uu kursiga isugu dhajiyay Shacabka Maraykanku awoodooda ayay tuseen waxaanay cadeyeen in aanu kursiga uu fadhiyo u qalmin. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan adduunka laga aqoonsanayn ee Somaliland . Wuxuu necebyahay amma aanu tixgalin wayn u haynin Haweenka sida ku cad tariikh siyaasadeedkiisa. Saxaafadda ayaanu iyana mudnaan iyo ahmiyad toona siinin waxaanu badalkeeda muujiyay inay xadka dhaaftay walina wuu wada oo jab ayuu la maaganyahay. Wuxuu isku xeeray xagga awooda iyo ganacsiga xubnaha hoose ee qoyskiisa. Sida Wiilasha uu dhalay, Wiilka uu sodoga u yahay iyo kuwo Walaashi dhashayba, iyagoo si dadban & daahiraba uga faaiidaysta awooda kursiga uu ku fadhiyo. Wuxuu dhaqaale ahaan wiiqay Dadka ay siyaasadda isku hayaan amma ka aragtida duwan. Wuxuu jagada Madaxweynaha ku yimi kala qaybinta Bulshada Somaliland oo Qabaa-il ka kooban taas oo gaadhay meel ka hoosaysa xitaa xilligii ay Dalka ka jireen Dagaalada Sokeeye. Awooda oo dhan isaga ayaa isku uruuriyay mana jiro masuul Xukuumaddiisa kamid ah oo rayi furan leh amma wax ku biirin kara waxaanu ka dhigay maamulkiisi waxa afka qalaad loo yaqaano (One Man Show). Khudbadaha uu hoggaamiye Biixi jeediyo waa qaar ay isku qaab yihiin kuwii Trump waxayna u badan yihiin gole ka fuul, muran iyo garnaqsi wax iska celin ah. Xagga tanaasulka iyo aqbaalada loo hoggaansamo dhanka loo bato siyaasadda Muuse Biixi meel kuma laha wuxuuna jecelyahay inay tiisa noqoto marwalba. 2015-kii intaan loo cumaamadin Murashaxa Xisbiga Kulmiye kulan aanu la qaadanay aniga iyo Ex Wasiir Cali Mareexan oo marka aha Xildhibaan wuxuu ku tiraabay in aanu Murashaxa Xisbiga Waddani doorashada ka qaadi karin xitaa haddii uu 100,000 (Boqol Kun Oo Cod Murashaxa Waddani dheeryahay amma ka sareeyo) taas oo ahayd gar-iyo gardarro waan ku soo baxaya. Waa fikirkii Trump ee 2016-kii oo kale. Halkaasna way iska shabahaan, guushi doorashadiisa Madaxweyne Muuse Biixi waxa markii ugu horraysay tariikhda Somaliland qayb ka noqday Dawladdo shisheeye, sida Jabuuti iyo Imaraadka oo lacagtii ugu badnayd ololaha Kulmiye bixiyay. Markaas way u martay sida tii Trump marka danbe mooyi Dadka ayay u taala iyo ragga la tartamaaya inay iyana Iran doontaan. Haddaba haddii uu Muuse Biixi sida Trump markale hungureeyo inuu sanduuqa codka yimaado Rer Somaliland ma raacin donaan Madaxweyne Muuse Biixi Saxiibkii Trump doorashada iman doonta ee Madaxweyne. ? Codka lagu maquuniyay Trump oo kale runta ma loogu sheegi doona si kasta oo aanu tanaasulka u aqoon.? Waa inoo kal-danbe . Tusan.Muniir Axmed Cigaal. Source Share this post Link to post Share on other sites