Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Culus oo uu Soddog u yahay Madaxweyne Erdogan oo iscasilay+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir Culus oo uu Soddog u yahay Madaxweyne Erdogan oo iscasilay+Sababta

erdogan.jpg

Wiilka uu sodogga u yahay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axadii iska casilay xilka wasiirka maaliyadda, isaga oo bayaan uu soo dhigay bartiisa Instagram ku sheegay sababo caafimaad.

“Kadib markii aan muddo shan sano ah hayey xilal wasiiro, waxaan qaatay go’aan ah inaan sii wadin xilka wasiirka maaliyadda sababo caafimaad dartood,” ayuu yidhi Berat Albayrak.

Albayrak ayaa sheegay inuu waqti dheeri ah la qaadan doono qoyskiisa oo uu sheegay “inuu dayacay”, sida ku xusan bayaanka.

Albayrak, oo 42 jir ah, ayaa qaba gabadha weyn ee Erdogan oo lagu magacaabo Esra, wuxuuna wasiirka maaliyadda ahaa tan iyo 2018. Waxa uu kahor ahaa wasiirka tamarta intii u dhaxeysay 2015 iyo 2018.

Ma cadda in madaxweyne Erdogan uu aqbali doono is-casilaadda.
Markii wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu uu is-casilay horraantii sanadkan, Erdogan ayaa diiday inuu aqbalo, waxaana Soylu uu illaa maanta hayaa xilkaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this