Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay waddo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shacabka Degmooyinka Shibis iyo Boondheere kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan nadiifinta waddooyinka mara Degmooyinkooda kadib markii uu maanta dhagax dhigay Waddada Jubada sare oo xiriirisa inta u dhexeysa Ex Hotel Jubba iyo 4-ta Jardiino.

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Boondheere iyo Shibis ayaa sheegay inay ilaalin doonaan badqabka waddada marka uu dhamaado dib u dhiska lagu sameynayo

Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir mudane Cumar Cali Cadi ayaa mas’uuliyiinta labada degmo iyo shirkadda dhismaha qaadaneyso lagula xisaabtami doono marka uu dhamaado dhismaha Wadada Jubada sare oo xiriirisa inta u dhexeysa Ex Hotel Jubba iyo 4-ta Jardiino.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulka gobolka ay mas’uuliyad ka saarantahay dhameystirka dhismaha waddooyinka caasimadda, waxaana uu shacabka ka codsaday in ka shaqeeyaan bilicda oo aysan qashinka ku soo shubin waddooyinka dib u dhiska lagu sameeyay.

124107311_2735440730028002_5809377932131 124165879_2735440030028072_8057091148108 124174552_2735439873361421_1735836457411 124336573_2735440196694722_8507909262071 124395490_2735440520028023_1349975080482 124468560_2735440460028029_5748700424379 124489163_2735440580028017_8330345086934 124497498_2735439826694759_7112628817334 124508678_2735439913361417_2259360341316

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this