Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Kulan looga hadlayay arrimaha Dastuurka oo lagu qabtay Samareb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya  Ludfi Shariif Maxamed ayaa magaalada Dhusamareb uga qaybgalay kulanka soo aruurinta aragtida bulshada Galmudug ee ku aadan qodobada Dastuurka ee Dib-u-eegista lagu sameeyay.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha guddiga lasocodka iyo dib-u-eegista dastuurka ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid, Wasaarada Dastuurka Galmudug, maamulka Caasimada Galmudug iyo Bulshada Magaalada.

Ugu horayn waxaa furitaanka ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda magaalada Dhusamaereb Cabdi Xaashi Caroole waxa uuna xusay inuu soo dhowaynayo qobadan Bulshada loo soo bandhigay.

Wasiirka Wasaarada Dastuurka Galmudug Daa’uud Maxamed Maalin ayaa ka hadlay madashan waxa uuna xusay in Galmudug talao ku yeelanayso qabyatirka Dastuurka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga lasocodka iyo Dib-u-eegista dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey socdaalkooda ay halkan ku yimaadeen iyo kulamadaan lagu soo bandhiga qodobada laga dooday.

Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Ludfi Shariif Maxamed ayaa ka hadlay kulanka waxa uuna xusay ahmiyadda howshani leedahay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Dastuurka11-1024x682.jpeg

dastuurka2-1-1024x682.jpeg

dastuurka3-1-1024x682.jpeg

 

dastuurka4-1024x682.jpeg

dastuurka5-1024x682.jpeg

dastuurka6-1024x682.jpeg

dastuurka7-1024x682.jpeg

dastuurka9-1024x682.jpeg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this