Deeq A. Posted November 9, 2020 Jabka Trump maalintaan u joogay Donald Trump Afartii sano ee la soo dhaafay waxaan u soo joogay Madaxweyne Donald Trump oo maalmo wacan iyo kuwo xumi ba soo mareen. Laakiin 7 bishan Noofember, maalintii lagaga guulaystay doorashadu, waxay u ahayd maalin aan kuwii hore uga duwan. Isaga oo xidhan jaakad, surwaal madow iyo koofiyad cad, ayuu madaxweynuhu ka baxay Aqalka Cad daqiiqado uun ka or 10:00 subaxnimo, aroornimadii horena wuxuu Twitter-ka ku qorayey in musuqmaasuq doorasho dhacay. Haatan kor buu u soo fadhiistay sidii oo uu laydha sanka la raacayo. Wuxuu fuulay baabuurka yar oo madow oo uu ku tagay garoon lagu ciyaaro Golf-ka, waa garoon la yidhaa Trump National oo ku yaal Sterling, Virginia oo 40 km u jirta Aqalka Cad. Markaa waxa ka muuqday jawi isku kalsooni ah. Maalin wacan bay ahayd oo ku haboon in la ciyaaro Golf waxaanu doonayey inuu maalintaas oo dhan garoonka joogo. Laakiin dadka la shaqeeyaa waxaad moodaysay inay faraha ku taagnaayeen. ”Iska waran” ayaan ku idhi mid shaqaalihiisa hoose ah. ”Waan wacanahay” ayay tidhi iyada oo muusoonaysa, laakiin intay indhaha hoos u rogtay ayay ku foorarsatay telefoonkeeda. Naxdintii Doorashada Aqalka Cad waxa beryahan ba ka jirtay naxdin tan iyo maalintii doorashada. Salaasadii uun bay ahayd laakiin waxaad moodaysay in ay ahayd naxdin weligeedba haysatay. Xafiisyada dhanka galbeed badankoodu way madhnaayeen mar aan dhex maray subaxnimadii Sabtidii. Dhawr shaqaalaha ka mid ah ayaa fayraska korona ku dhacay oo xafiisyada ka maqnaa. Kuwo kalena karantiin ayay ku jireen. Dabeetana markii la gaadhay 11:30 subaxnimo iyada oo madaxweynuhu joogo garoonka Golf-ka, ayaa BBC-da iyo shabakadaha wararka ee Maraykanku bilaabeen in ay shaaciyaan guusha Joe Biden oo ahaa musharaxii Dimuqraadiga ee la loolamayey. Waxaan fadhiyey makhaayad Talyaani leeyahay oo garoonka Golf-ka u jirta qiyaastii kiiloomitir iyo badh markaan warkaa maqlay. Waxaan ka tirsanahay warfidiyeenka ka soo warama Aqalka Cad, waa koox yar oo saxafiyiin ah oo madaxweynaha had iyo goor raaca. Waxaanu dhamaantayo sugaynay in uu garoonka ka soo baxo. ”Waa qof naxli badan” ayay didhi haweenay makhaayada horteeda taagnayd oo sida dadka kalee ee goobtan degan u janjeedha dhanka Dimuqraadiga oo uba codeeyey ninka isaga la tartamayey. Kuwo kale ayaa iyagoo hadalka kor u qaadaya lahaa goormuu garoonka ka soo baxayaa madaxweynuhu ee uu Aqalka Cad ku noqonayaa. Daaqiiqado ayaan sugnay oo saacado nagu gaadhay. ”Deg deg ma qabo” ayuu cod gaaban ku yidhi askari boolis ah oo mid asxaabtayda ka mid ah la hadlayey. Madaxweynuhu degdeg buu ku baxay. Markuu garoonka gaadhayna waxa ku soo ururay asxaabtiisii. Albaabada garoornkana waxa taagnaa taageerayaashiisa oo aniga iyo warfidiyeenka kaleba ku qaylinayey oo lahaa: ”Lacagta ha laga jaro warbaahinta”. Haweenay kabo cidhib dheer iyo toob caddaan, casaan iyo buluug isugu jira xidhan ayaa goobta taagnayd oo sidata boodh ay ku qoran tahay ”xatooyada ha la joojiyo”. Nin ayaa baabuurkiisa hadba dhan wadada hor marta garoonka u kaxaynayey, waxaana baabuurka ka taagnaa dhawr calan oo uu ku jiro mid uu ku sawiranyahay madaxweynaha oo ku taagan kaare oo aad moodo inuu yahay taliyihii dunidaba. Arintu waxay muujinaysay sida taageerayaashiisu u arkaan iyo sida Trump qudhiisu isu arkayey afartii sano ee la soo dhaafay. Kama dambaystii ayuu ka soo baxay garoonkii oo u dhaqaaqay dhanka Aqalka Cad. Dadka dhaliila ayaa iyagoo kumanaan ah sugayey. ‘Lagaa badi anaguna dhamaan waanu guulaysanay’ Kolonyadii madaxweynuhu waxay soo dhex qaaday Virginia, anna waxaan saaranahay gawaadhida midkood oo shil ku geli gaadhay Fairfax County Parkway. Markaan Aqalka Cad u soo dhawaanoba, waxaa sii kordhayey tirada dadka dariiqyada taagan. Dadku waxay u damaashaadayeen jabkiisa. Qof ka mid ah dadkaas ayaa hor u hayey boodh ay ku qoran tahay: ”Lagaa badi anaguna dhamaan waanu guulaysanay”. Dadku hoonka ayay garaacayeen oo way ku orinayeen. Aqalkii Caddaa baanu soo gaadhnay. Madaxweynaha ayaa ka galay albaab dhinac kale ku yaal oo uu dhif iyo naadir u isticmaali jiray. Garbaha iyo gorroddaba wuu laalaadinayey. Dhinac buu jaleecay markaasu i arkay aniga iyo koox kale oo warfidiyeen ah oo intuu gacanta fidiyey suulka kor u taagay. Wax aan ka niyad ahayn bay ahayd. Gaganta kor umuu qaadin mana gacan haadin sidii lagu yiqiin. Gabadh ku diganaysa Trump Intuu Aqalka Cad joogay iyo garoonka toona madaxweynuhu wax debacsanaan ah muu muujin. Wuxuu sheegay wax aanu caddayn u hayn oo ah in musuq doorasho dhacay, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in arintaasi caddaan doonto oo loo garaabi doono. Aroornimadii hore na wuxuu Twitter-ka ku qoray qoraal uu ku sheegay ”codad sifo sharci darro ah loo tiriyey” gelinkii dambena isaga oo aan wax debacsanaan ahi ka muuqan ayuu qoraal far waayen ah ku qoray Twitter-ka oo uu leeyahay ”ANIGAA KU GUULAYSTAY DOORASHADA”. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites