Sign in to follow this  
Deeq A.

Muslimiinta Iyo Afrika Oo Laga Qaadayo Xanibaadihii Socdaalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xayiraadihii uu madaxweyne Donald Trump kusoo rogay wadamada muslimiinta ee galitaanka Maraykanka ayaa la laalayaa dhammaantood, kadib guushii taariikhiga ahayd ee uu xalay gaadhay madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden.

Maalinta koobaad ee uu Aqalka Cad la wareego madaxweynaha la doortay Joe Biden waxa qaadmaya dhammaan xanibaadaha socdaalka ee Trump uu kusoo rogay wadamo muslimiin u badan iyo wadamo kale oo afrikaan ah.

Donald Trump madaxweynaha talada wareejinaya ee dalka Maraykanka, ayaa markii uu talada la wareegay wuxuu amaro madaxweyne Maraykanka kaga mamnuucay ee ay dalkiisa soo galaan muwaadiniinta wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Iran Ciraaq, Libya, Suudaan, Suuriya, Yemen, Venezuela, Waqooyiga Kuuriya, Mynmar iyo Nigeria.

Wuxuu sidoo kale adkeeyay galitaanka Maraykanka, isagoo tarxiilay kuamanaan qof ii sharci la’aan ku joogay gudaha Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this