Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan sababood oo khasbay in Biden ku guulaysto Xilka Madaxweynimada Maraykanka 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Shan sababood oo khasbay in Biden ku guulaysto Xilka Madaxweynimada Maraykanka 2020

Joe Biden and Kamala Harris
Doorashadii Biden ee Kamala Harris waxay ka caawisay inay aaminsanaadaan dadka dhexdhexaadka ah

Ku dhawaad 50 san oo shaqo dawladeed ah iyo la noolaanshaha han madaxweyne, Joe Biden ugu danbayn waa uu qabsaday aqalka cad.

Ma jirin ololahiisii cid saadaalisay. Waxa uu dhacay iyada oo ay jirto hal-qarni fowdo bulsheed aan horay loo arag. Wuxuu la tartamayey masuul aan caadi ahayn, oo xilka sii haya una heellanaa in uu difaacdo si adag. Laakiin isku daygiisii saddexaad ee madaxweynenimo, Biden iyo kooxdiisu waxay heleen dariiq ay ka maraan caqabadaha siyaasadeed isla markaana ku andacoodaan guul in kasta oo ay aad u yar tahay tirada codadka ee ergada doorashada, waxaa la saadaalinayaa in uu ka sarreyn doonto guud ahaan tirada guud ee Trump codad kor u dhaafaya malaayiin.

Kuwani waa shanta qodob ee u sahlay inankii uu dhalay odaygii gawaadhida gadi jirey ee ka yimi Delaware in uu ku guulaysto madaxtinnimada Maraykankan.

1. Covid, Covid, Covid

Laga yaabee waaba sababtii ugu ee Biden ugu guulaystay madaxtinnimada, waxayna wax guud ahaanba farahiisa ka baxsanaa madaxweynihii xilka hayey.

Faafitaanka coronavirus, oo sii sahayday in ka badan 230,000 oo qof, ayaa sidoo kale wax ka beddashay nolosha iyo siyaasadda Mareykanka sannadkan 2020. Maalmihii ugu dambeeyay ee ololaha guud ee doorashada, Donald Trump laftiisu wuxuu umuuqday inuu tan qirayo.

“Wararka beenta ah, wax walba waa Covid, Covid, Covid, Covid,” madaxweynaha ayaa ka sheegay isu soo bax ka dhacay todobaadkii hore Wisconsin, halkaas oo kiisasku ay sii kordhayeen maalmihii la soo dhaafay

Warbaahintu waxa ay si weyn diirada saareen Covid, si kastaba ha noqotee, waxay u ahayd milicsi lama filaan ah Joe, halka uu dadweynaha u ahaa kii walaaca ku abuuray – Waxaana baahintiisii la saaray codeyn aan fiicneyn oo ku saabsan sida madaxweynuhu u maareeyay dhibaatada. Sahan la qaaday bishii la soo dhaafay oo ay samaysay Pew Research, ayaa soo jeediyay Biden inuu haysto 17 boqolkiiba dhibic taas oo ka sarreysa Trump markii loo eego kalsoonida ku saabsan sida ay u maareynayaan cudurka ‘Covid’.

 

Safmarkaas iyo hoos u dhacii dhaqaale ee ku xigay ayaa Trump ka kala daadiyey fariintiisii ololaha ee doorbididda koritaanka iyo barwaaqada. Waxay sidoo kale muujisay welwelka ay dad badan oo Mareykan ah ka qabeen madaxweynenimadiisa, sida aanu waxyaalaha muhiimka ah diiradda u saarin, sida su’aalaha laga weydiinayo sayniska uga jawaabo, maareynta halisaha waajahaya ganacsiyada yar yar iyo kuwo waaweyn, iyo kala mudnaanshaha dhanka eexda. Cudurka faafa waxa uu u ahaa miisaan culus qiimaynta hoggaaminta Trump, taas oo, sida laga soo xigtay Gallup, ay hoos ugu dhacday 38% hal dhibic xagaagii – noqotayna mid ka mid ah waxyaalihii ololihii Biden ka faa’iideystay.

2. Olole aan cuslayn

Intii uu ku guda jiray xirfadiisa siyaasadeed, Biden wuxuu aasaasay sumcad wanaagsan oo uu ku kasbaday inuu naftiisa dhex dhigo badanaa xaalado murugsan. Sababtaas ayaana galaafatay ololihiisii madaxweynenimo ee ugu horreeyay 1987, taas oo uu sidoo kale 2007-kiina uusan helin wax badan oo uu ka shidaal qaato, si uu ololahiisu u wanaagsanaado.

Isku daygiisii seddexaad ee Xafiiska Oval, Biden weli waa ay hortaagnaayeen hadalladiisii hore, laakiin waxay ahaayeen kuwo aan sii ridneyn.

Dabcan, sida oo kalena waxa kale muhiimka ah ayaa ayaa ah in madaxweynaha laftiisu uu ahaa il aan kala joogsi lahayn oo hadalkiisu mar walba abuurayey is maandhaaf. Arrin kale ayaa jirey oo caawiyey – keliya ma ahayn cudurka faafa ee coronavirus, mudaharaadyo dhacaykadib dhimashadii George Floyd iyo khalkhal dhaqaale – ayaa ahaa kuwii hadheeyey dareenka guud qaranka.

 

Waxaa kale oo la illaawi karin oo kaalin muhiim ah ka lahaa kooxdiisii ololaha oo musharraxooda ku ilaayey waddada, si aanu u gelin khaladaad saameeya.

Ololuha Trump isaga hadalkiisa ayaa galaaftay oo mar walba keenayey is burin – ugu dambayntiina wax uu eeday.

3. Trump oo ahaa cidda la abbaaray

Toddobaadkii ka horreeyay maalinta doorashada, ololaha Biden wuxuu soo bandhigay xayeysiisyadiisii ​​ugu dambeeyay ee telefishanka oo leh farriin aad u la mid ah tii lagu soo bandhigay ololihiisii ​​kal hore, iyo khudbaddiisa magacaabista bishii Ogosto.

Doorashadani waa “loolan loogu jiro ruuxda Mareykanka”, ayuu yidhi, waxayna fursad u tahay muwaadinku inuu saxo wax uu ku sifeeyay kala qaybsanaanta iyo fowdadii afartii sano ee la soo dhaafay.

Donald Trump in Las Vegas, October 2020
Doorashada waxaa laga dhigay afti ka dhan ah Trump

Halkudheggaas ayaa qeexayey xisaab fudud. Biden wuxuu nasiibkiisa siyaasadeed ku sharraxay in Trump uu yahay mid aad u jahawareersan oo aad u xanaaq badan, iyo waxa dadka Mareykanka ay rabeen oo ahaa deggenaan, hoggaan leh astaamo hoggaamineed oo isugu muujiyey.

“Waxaan kaliya ka daalay aaminadaha Trump ka shaqsi ahaan,” ayuu yidhi Thierry Adams, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Faransiiska oo 18 sano ka dib markii uu ku noolaa Florida codkiisii ugu horreeyay ka dhiibtay doorashadii madaxweynenimada ee ka dhacday Miami todobaadkii hore.

Dimuqraadiyiintu waxay ku guuleysteen inay doorashadan ka dhigaan afti loo qaado Trump, ee ma ahayn doorasho oo u dhexeysa labo murashax.

Farriinta guusha ee Biden waxay ahayd mid fudud oo ahayd inuusan “la mid ahayn Trump”. Aragtida guud ee Dimuqraadiyeyaashu waxay ahayd in guushii Biden ay ka dhigan tahay in dadka reer Ameerika ay noolaan doonaan toddobaadyo aysan ka fikirayn halka siyaasaddu janjeedhsan doonto. Waxaa loola jeeday weedhaas kaftan, laakiin waxay ka kooban tahay walxo run ah

4. Wuxuu mar walba ahaa dhexdhexaad

Intii lagu guda jiray ololaha inuu noqdo musharraxa Dimuqraadiga, tartanka Biden wuxuu ka yimid bidixdiisa, iyadoo Bernie Sanders iyo Elizabeth Warren ay si wanaagsan u maalgeliyeen isla markaana abaabuleen ololeyaal dhaliyey oo isu keenay dadweyne aad u tiro badan.

In kasta oo cadaadiskani ka yimid garabkiisa xorta ah, Biden wuxuu ku dheggan yahay istiraatiijiyad dhexe, isaga oo diidaya inuu dib u taageero daryeelka guud ee ay maamusho dowladda, waxbarashada kuleejka bilaashka ah, ama canshuurta hantida. Tani waxay u oggolaatay inuu sare u qaado codsigiisa dadka dhexdhexaadka ah iyo kuwa aan jeclayn Jamhuuriga inta lagu jiray ololaha guud ee doorashada.

Istaraatiijiyaddan ayaa ka muuqatay doorashadii Biden ee Kamala Harris inuu noqoto ku-xigeenkiisa halkii uu dooran lahaa qof taageero xoog leh ka heysta garabka bidix ee xisbiga.

Meesha kaliya ee Biden ugu soo dhowaaday Sanders iyo Warren waxay ahayd deegaanka iyo isbeddalka cimilada, waxaana qodobbadaasi ka mid ahaayeen kuwii u soo jiiday dhallin farabadani inay u codeeyaan.

5. Lacag aad u farabadan

Horaantii sanadkaan, qasnadaha ololaha Biden waxay ku socdeen faaruq. Wuxuu ku soo galay ololihii guud ee doorashada isaga oo go’aansaday khasaare, Trump, oo inta badan ahaa madaxweynenimadiisa oo dhan mid uruurinayey kharashkii u ku dagaal geli lahaa ee ololaha oo ku dhowaad bilyan doolar ahaa.

Laga soo bilaabo bishii Abriil wixii ka dambeeyay, si kastaba ha noqotee, ololihii Biden wuxuu isu beddelay awood lacag-ururin ah, Bilowgii Oktoobar, ololaha Biden wuxuu haystay $ 144m lacag ka badan taas oo ka badnayd intii gacanta lagu hayey ee trump, waxayna u oggolaanaysay inay lacagtaasi ka baajiso mawjado xayaysiis ah oo Jamhuuriga ka iman lahaa kuwaas oo harqin laha gobollada muhiimka ah.

Biden supporter in Housten, Texas
Taageere Biden oo ku sugan Texas

Lacagtu wax walba kama ay caawin, dabcan. Afar sano ka hor, ololihii Clinton wuxuu haystay hoggaan lacageed oo baaxad leh oo ka badnaa Trump.

Laakiin 2020, markii olole shaqsiyeed ay joojiyeen coronavirus oo dadka Mareykanka ee ku nool dalka oo dhan ay waqti badan ku qaateen warbaahinta guryahooda, Faa’iidada lacagta ee Biden waxay u ogolaatay inuu gaadho codbixiyeyaasha isla markaana gaadhsiiyo farriintiisa ilaa dhamaadka.

Lacagtu waxay siisaa xulashooyin kala duwan kooxda ololaha – Bidenna wuxuu si wanaagsan uga faa’iideystay isticmaalkeedii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this