Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo howl-gallo ka sameeyey Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka sameeyey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha ee maamulka Koonfur Galbeed.

Howl-gallada oo ahaa kuwa miino baaris ah ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen inta u dhexeysa deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale oo ka wada tirsan gobolkaasi.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey inay howl-galladaasi ay ku soo saareen miinooyin gaaraya illaa saddex, kuwaas oo wadada lagu aasay.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in mid ka mid ah raggii aasay miinyooyinkaasi ay gacanta ku dhigeen, islamarkaana ay ku wareejijyeen hay’adaha qaabilsan baarista.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta Soomaaliya oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this