Sign in to follow this  
Deeq A.

Fariin cadho leh oo Trump soo diray isagoo Ciyaarta Golf-ka ku ciyaaraya Xaruntiisa Virgina markii loo sheegay in Joe Bidden ka guulaystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Donald Trump oo soo hadlay

trump-9-300x166.jpg

Waxaan helnay warbixin uu soo saaray Donald Trump oo la sheegay in uu ciyaaraha golf ku dheelayo xaruntiisa Virginia, xilligii uu soo baxay warka ah in Biden uu ku guuleysanayo doorashada madaxtinimada Mareykanka.

“Dhammaanteen waan ognahay sababta uu Joe Biden ugu ordayo in uu si been ah isaga dhigo qofka guuleystay, iyo sababta warbaahinta isaga saaxiibbada la ah ay ugu dadaalayaan in ay si adag u caawiyaan: ma doonayaan in runta la soo bandhigo,” ayaa lagu billaabay qoraalka Trump ka soo baxay.

“Xaqiiqada la ogyahay waxay tahay in doorashadan aysan dhamaasho u dhoweyn,” ayaa qoraalka lagu xusay.

Taasi wuxuu ula jeedaa in tirinta codadka aysan weli dhammaanin, aysanna ansixinin saraakiisha doorashada, wararka ay warbaahinta shaacinayaan.

Si kastaba, warbaahinta waxay sheegaan qofka guuleysta marka ay soo baxdo in codadka ugu badan ee ergada uu helay mid ka mid ah musharrixiinta kaas oo dhaafay 270.

Trump

Donald Trump, isagoo aan caddeyn u haynin ayuu sheegay in kooxda ololaha Biden ay “doonayaan in codadka la tiriyo xitaa iyadoo wax is dabamarin ay jirto ama codad been ah ama in ay codeyeen dad dhintay iyo kuwa aan u qalmin.”

“Haddaba muxuu Biden qarinayaa? Ma nasan doono illaa shacabka Mareykanka ay ka ogaanayaan tirinta codadka oo daacad ah, taa na waa midda Dimuquraadiayadda ah”.

Kor joogtada doorashada ee kor meeraya codeynta waxay si joogto ah ugu celceliyeen in aysan jirin wax isdabamarin baahsan taas oo lagu arkay hanaankii doorashada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this