Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Xananbuure, iyada oo lala beegsaay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey halkaasi.

Ugu yaraan hal qof oo dumar aheyd ayaa ku dhimatay weerarkaasi, iyada oona ay dhaawacmeen labo kale, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyada hubeysan ay markale wadada u galeen gaarigii soo qaaday dhaawacyada, islamarkaana ay ku fureen rasaas xoogan oo dhalisay dhimashada haweeney kale & nin la sheegay inuu la socday gaarigaasi.

Raggii fuliyey weerarkan ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana dilalkan lala xiriirinayaa colaado u dhexeeyo maleeshiyo beeleedyo oo ka taagan gobolka Galgaduud.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa deegaanada Galmudug ku soo kordhayey dilal qorsheysan oo salka ku haya arrimo aano Qabiil oo ka taagan Galgaduud & Mudug.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this