Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Itoobiya oo go’aan culus ka soo saaray xiisada gobolka Tigray-ga

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Iyada oo ay weli isa sii tareyso marba marka ka dambeysa xiisada colaadeed ee ka taagan gobolka Tigray-ga ee dalka Itoobiya ayaa waxaa arrintaasi kulan deg-deg ah saaka ka yeeshay golaha aqalka sare ee wadankaasi.

Kulanka oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda qasan ee gobolkaasi oo ay ka socdaan dagaallo xoogan.

Golaha ayaa cod aqlibiyad leh ku meel-mariyey in ay dowladda federaalka Itoobiya faro-gelin toos ah ku samayso deegaanka Tigrayga, si looga hortago xiisadaasi.

Sidoo kale baarlamaanka Itoobiya aya ogolaaday in xukuumadda Addis Ababa ay maamul KMG ah u magacowdo gobolkaasi, si meesha looga saaro maamulkii hore.

Go’aanka ka soo baxay baarlamaanka ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan ciidamada federaalka Itoobiya ay bilaabeen inay duqeeyaan gobolka Tigray-ga.

Itoobiya ayaa gashay xaalad adag, iyada oo uu faraha ka baxay ammaanka gobolka Tigray-ga oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

The post Baarlamaanka Itoobiya oo go'aan culus ka soo saaray xiisada gobolka Tigray-ga first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this