Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiilasha Trump oo Jamhuuriga ku eedeeyay inay ka gaabiyeen taageerada aabbahood

Recommended Posts

Deeq A.   
Wiilasha Trump oo Jamhuuriga ku eedeeyay inay ka gaabiyeen taageerada aabbahood
trump-sons.jpg
 Donald Trump Jr oo taageerayaasha Jamhuuriga kula hadlayay Atlanta, Georgia

Labada wiil ee waaweyn ee uu dhalayDonald Trump ayaa ku eedeeyay xubnaha Xisbiga Jamhuuriga inay ku guul darreysteen inay taageeraan madaxweynaha, xilli uu dadaal ugu jiro in dib loo doorto.

Wiilka ugu weyn wiilasha Trump, Don Jr, ayaa xisbiga ku eedeeyay inuu yahay “daciif”. Walaalkiis Eric ayaa ka digay: “Codbixiyeyaasheenna weligood idinma hilmaami doonaan haddii aad tihiin [xigasho] ido!”

Xubno sare oo Jamhuuriga ka tirsan sida sanatarka Utah, Mitt Romney iyo Barasaabka Maryland, Larry Hogan ayaa kooxda ololaha Trump uga digay inay wiiqaan hannaanka dimuqraaddiyadda.

Don Jr ayaa barta Twitter-ka ku qoray qoraal uu ku muujinayo carada uu u hayo kuwa u hanqal taagaya doorashada madaxtinnimada sanadka 2024.

“Ficil la`aanta dhammaan kuwa u hanqal taagaya ‘ doorashada 2024 [Jamhuuriga] ‘ waa wax la yaab leh,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

“Waxay muujiyeen inay doonayaan ayna awoodaan inay dagaallamaan balse waxay ka door bideen inay ka dhuuntaan warbaahinta. Ha welwelin @realDonaldTrump wuu dagaallami doonaa ayagana way daawan doonaan sida caadada u ah!”

Walaalkiis ayaa goor dambe taageerayaasha Trump hadal uu ugu jeediyay Atlanta, Georgia – oo ka mid ah gobollada hardanka loogu jiro, tirintuna ay socoto, in aabbihiis uu ku saxsanaa inuu dacwad ka gudbiyo hannaanka tirinta codadka.

“Waxaan u maleynayaa waxa ugu horreeya ee uu Donald Trump sameyn karo inay tahay inuu si adag uga dagaallamo mid kasta oo ka mid ah gobolladaas,” ayuu yiri.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this