Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar ka fuliyey gudaha dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalyahano looga shakiyey in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday tuulada Karo oo hoos timaada magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, iyaga oo burburiyey Anteeno dhinaca is-gaarsiinta ah oo ku taalla halkaasi.

Taliyaha ciidamada Booliiska ee maamulka Mandera Onasmas Kiyatha ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay Anteenada ku dhufteen waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray askartii ilaalineysa Anteenada, iyada oo weerarka lagu qaaday halkaasi uu dhacay xilli habeen ah.

Anteenada oo ay leedahay mid ka mid ah shirkaddaha isg-aarsiinta ee Kenya ayaa waxaa ilaaliya ciidamo ka tirsan Booliiska ka howl-gala deegaanada ku yaalla xuduudaha.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay deegaanka joogeen muddo saacado ah, iyada oo aysan jirin iska caabin badan oo ay kala kulmeen askartii halkaasi joogtay.

Mr kiyatha ayaa xusay in ay wadaan baaritaan la xiriir sida Al-Shaab ay ku soo gaareen tuulada Karo o qiyaastii 40 kiilo mitir u jirta xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Al-Shabaab ay inta badan burburiya xiriirka is-gaarsiinta xilliyada ay weerarada ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this