Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay waqooyiga magaalada Gaalacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay kooxo hubeysan ay ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Garsoor ee magaaladaasi ayaa waxaa la sheegay in loo geystay Cabdinuur Maxamed Cabdulle oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta Puntland.

Marxuumka oo ka tirsanaa waaxda dhulka dowladda hoose ee Gaalkacyo ayaa waxaa toogasho ku dilay rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay dilkaasi, waxaana ay tilmaamtay in Cabdinuur uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug ee Puntland.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha Gaalkacyo ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this