Deeq A. Posted November 5, 2020 AMISOM ayaa sheegtay in ciidan cusub oo Boolis ah, kuwaas oo ka yimi dalka Ghana ay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ciidankan oo qeyb ka ah Booliska AMISOM ayaa waxaa la geyn doonaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Sidoo kale waxay qeyb ka qaadan doonaan sugidda amaanka doorashada Soomaaliya, iyaga oo ka barbar shaqeyn doonao ciidamada Booliska Soomaaliya. Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorashada soo socota ee 2020/2021 oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites