Deeq A. Posted November 5, 2020 Washington (Caasimada Online) – Doorashada Mareykanka ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, waxaana maalintii saddexaad socota tirinta codadkii la dhiibtay. Xisbiyada Jamhuuriga & Dimuqraadiga ayaa si weyn u loo lamaya, gaar ahaan labada musharrax ee Donald Trump & Joe Biden oo isku hardinaya doorashada dalkaasi. Labada musharrax oo si ballaaran olole u sameeyey ayaa mid kii guuleysta wuuxuu Mareykanka uu hoggaamin doonaan afarta sano ee soo socoto. Sidoo kale waxaa codadkooda doorashadan ka dhiibtay in ka badan 160 milyan oo qof oo ku sugan gobollada wadankaasi. Tartanka waxaa weli hoggaaminayo Joe Biden oo guullo ka soo hooyey gobollo aan laga fileyn oo loo xaglinayey dhinaca Trump ama Jamhuuriga, waxaana warbaahintu saadaalineysaa inuu guuleysan karo Biden, inkastoo weli ay socoto tirinto codadka. Qofka guuleysanayo ayaa wwaxaa laga doonayaa in uu helo 270 codadka la dhiibtay, iyada oo haatan Musharrax Joe Bidne uu heysta illaa 243, halka Trump uu heysto 214. Trump ayaa ku doodaya inuu guul weyn ka gaaray doorashada, isaga oo ku eedeeyey Dimuquraadiga in ay geysteen wax is dabamarin, sida uu ku shaaciyey Twitter-kiisa. Si kastaba tartanka ayaa ah weli ah mid socda, iyada oo Biden looga baahan yahay in uu sii xoojiyo guusha uu hadda ka gaaray gobollada Arizona, Nevada iyo Wisconsin. The post Xaggee la kala marayaa doorashada Mareykanka? first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites