Deeq A. Posted November 5, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Kenya ay duqeymo ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in ciidamada Kenya ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Dhamase oo hoos-yimaada degmada Ceelwaaq ee G/ Gedo. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in madaafiicdaas ciidamada Kenya ay ku baabi’iyeen Xoolo fara badan oo lahaayeen dad reer Mii ah oo ku sugan halkaasi. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale barakac bilaabay, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta duqeymahaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Gedo oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Kenya ayaa dhibaatooyin kala duwan dadka shacabka ah ugu geysanayey gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites