Deeq A. Posted November 5, 2020 Dabley hubaysan ayaa xalay waqooyiga Gaalkacyo ku dilay marxuum Cabdinuur Maxamed Cabdulle, oo ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Gaalkacyo. Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa xaqiijiyay in koox hubaysan oo afka duubtay ay xalay toogasho ku dileen marxuumka, oo ka tirsanaa Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Gaalkacyo. Saraakiish waxay sheegeen, in Kooxdii weerarka gaysatay ay goobta isaga baxsadeen, islamarkaana aysan Ciidanka u suurta-gelin in gacanta lagu soo dhigo. Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaasi loo gaystay marxuum Cabdinuur Maxamed Cabdulle, sida ay qortay warbaahinta Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Mas’uul ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites