Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka Baarlamanka Hirshabeelle oo la doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Baarlamanka cusub ee HirShabeelle, ayaa maanta  doortay guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas iyo labadiisa ku xigeen.

Guddoomiyaha Baarlamanka, ayaa loo doortay xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamuud, kaasi oo ka adkaaday xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir, oo ahaa musharaxii la tartamay.

Doorashada ayaa waxaa codkooda ka dhiibtay 99 xildhibaan, waxaana Cabdixakiin Luqmaan uu helay 77 cod, halka Maxamed Maxamuud Goodir uu helay 21 cod, waxaana xumaaday hal cod.

Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, ayaa isna loo doortay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka, isaga oo helay dhammaan codadka, kadib markii uu tanaasulay musharax Saadaq Salaad Warsame, oo la tartamay.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka labaad waxa loo doortay xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan, kadib markii uu 87 cod kaga guulaystay marwo Canab Axmed Cismaan oo heshay 21 cod.

PUNTLAND POST

The post Guddoonka Baarlamanka Hirshabeelle oo la doortay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this