Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo xukun ku riday Cabdimanaan Yuusuf iyo Astaan TV

Recommended Posts

Deeq A.   
asataan.jpg?resize=800%2C450&ssl=1

Somaliland ayaa xukun ku riday mulkiilihii Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf Maxamed oo muddo ku xirnaa magaalada Hargeysa.

Maxkamadda gobolka Maroodijeex (Waqooyi Galbeed) ayaa maanta Cabdimanaan Yuusuf ku riday 5 sano oo xasbi ah iyo ganaax laga lacageed oo dhan 2 milyan oo ah shilinka Somaliland.

Sidoo kale maxkamadda ayaa go’aamisay in warbaahinta Astaan oo ah mid aan siyaasad ka hadlin laga xayiro degaannada Somaliland.

Cabdimanaan Yuusuf Maxamed ayaa magaalada Hargeysa lagu xiray 17- bishii July ee sannadkan.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo xukun ku riday Cabdimanaan Yuusuf iyo Astaan TV appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this