Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo markale dib loo soo doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

IlhAan Cumar ayaa waxaa dib loogu soo doortay Koongareeska Mareykanka iyadoo ku soo baxday doorashadii ka dhacday degmada 5-aad halkaas oo ay ku difaacatay kursigeedii.

Codbixintii shalay deegaankaas ka dhacday ayey Ilhaan kaga guulaysatay musharixiintii kale ee kursigan kula tartamaysay.

Dhammaan codadkii la dhiibtay ayey Ilhaan Cumar ka heshay 65%, halka Musharraxii kale ee la tartamay uu isna helay codad gaaraya 26%.

Safaf dhaadheer ayey dadka ugu jireen sidii ay codkooda doorashadan uga dhiiban lahaayeen, iyadoo la sheegay in Soomaali badan ay sanadkan codkooda dhiibteen.

Sidoo kale waxaa weli socota tirinta codadka doorashada madaxtinimada ee Mareykanka, iyadoo oo ay haatan diiradda saaran tahay gobollada aadka loogu loolamayo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this